Erdogan Oo Kulankii Ugu Horreeyey La Leh Golihiisa Wasiiradda.

Muqdisho | April 17, 2017–Kulankaasi waxa uu maanta ka dhici doonaa Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Ankara, waana Kulankii ugu horreeyey, kadib, Doorashadii shalay ka dhacday dalkaasi.

Madaxweyne Erdogan waxa uu shaaciyey in guul laga gaaray Doorashaddi ku aadanyd Isbedelka Dastuurka dalkaasi, kaasi oo ah Isbedelkii ugu weynaa Taariikhda Casriga ee dalkaasi.

Waxa uu tilmaamay inay 25 million oo qof taageereen Isbedelka Dastuurka dalkaasi, wuxuuna  Nidaamkii Awoodda ee Barlamaanka lagu beddelayo Madaxtooyo Awood badan

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee ugu weyn dalka Turkiga ee CPH, Kamaal Kilijdaroglu ayaa sheegay inay Su’aal furan tahay Sharci ahaan Natiijadda Doorashadaasi.

Waxa uu ku eedeeyey Madaxweyne Erdogan nin doonayaKeli-talisnimo, wuxuu

na ka digay Khatarta ka dhalan karta Isbedelka Dastuurka.

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *