Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga

Muqdisho | April 17, 2017-–Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa Safiirka kala hadlay sidii dowladda Turkiga ay uga qeyb qaadan laheyd horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha Galmudug.

Safiirka Turkiga ee Soomaliya Mudane Olgan Bekar ayaa  u  sheegay Madaxweyne ku xigeenka in ay garabtaagan yihiin Shacabka iyo sidoo kale dowlad goboleedka Galmudug.

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *