Soomaaliland oo hubka ka dhigaysa Beelo Mudooyinkan ku dagaalamayey Gobolka Sool

Muqdisho | April 17, 2017-–Wasiirka Madaxtooyada Soomaaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo gaaray Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegay iney Ciidamo dheeraad ah geynayaan deegaanada lagu dagaalamay si ay u kala dhexgalaan labada Beelood.

Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa tilmaamay iney hubka ka Mamnuuci doonaan deegaanada Dharkayn Geenyo,Saaxdheer iyo Dabataag,wuxuuna tilmaamay in goobahaas la geyn doono Ciidamada Soomaaliland.

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *