Muqdisho | QOL | March 29/2017 – Kulankii ay saakay isugu yimaadeen Xildhibaanada Golaha Shacabka, ayaa la horgeyey Golihii wasiirada Cusub si loo Ansixiyo, waxaana soo xadirtay Sakay Golahaas 241 Xildhibaan, waxaana u Codeysay Ansixinta wasiirada 221 Xildhibaan, waxaa Diiday 16 Xildhibaan, 4 Xildhibaana waa ka Aamustay, sida la sheegay.

Waxaana isla goobtaas ka bilowday Dhaarinta wasiirada oo hada ka socota Golaha Shacabka.

Wixii warar dheeraad ah dib ayaan ka soo sheegi doonaa, waxaan leenahay waa guul u soo hoyatay Shacabka Somaaliyeed.

waxaana Mahadaas iska leh Allihii Suuro geliyey iyo Xildhibanadii u Codeyey, waana bilowgii wada shaqeynta Shacabka iyo Dowlada.

.

W/Q Cumar Farax

Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *