Baarlamaanka oo loogu baaqay in ay wax ka qabtaan kursiga beesha Gaabane ee Saleebaan

Muqdisho | December 29, 2016 – Kulan ay Muqdisho ku yeesheen madaxdhaqameydo, siyaasiyiin waxgarad, dhalinyaro iyo haween ka soo jeedo gobolada dhexe  ayaa laga soo saaray warsaxaafadeed dhowr qodob ka kooban.

Waxaana kulanka lagu lafagurey kursiga beesha reer Xaaji Saleebaan ee Gaabane cida xaqa u leh iyo sababta kahilaafka keentay.

Waxaana Baarlamaanka cusub loogu baaqay in ay si cadaalad ah u baaraan kurisiga oo ay  sheegeen in uu yahay mid haweenka loo qoondeeyay.

Dhamaan masuuliyiintii iyo madaxdii goobta ka hadashey waxay isku raaceen in beesha Xaaji Saleebaan ee Gaabane ay u qoondeeyeen inay u metesho beesha Marwo Caasha Xaaji Cilmi Iimaan.

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Faarax oo kulanka soo xiray warsaxaafadedka ka dib ayaa baaq u direy madaxda sare ee dowlada iyo gudiyada doorashooyinka dalka ka dhacay.

.

.

.

__________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *