Buurhakaba oo dadka iyo duunyada xaalad adag soo wajahday

Muqdisho, November 03, 2016: Dadka Shacabka ku nool Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay, ayaa xilligan la tacaalaya xaalado Biyo yari ah, kadib markii ay biyo ka waayeen ceelashii iyo warihii ay biyaha ka arooran jireen.

Dadka ayaa biyaha u doonta  meel 25 ilaa iyo 30-KM ujirta Degmadaasi, waxaana ay sheegeen fuustada biyaha in Buur-hakaba ay ka mareyso 4 Dollar.

Qaar ka mid ah Dadka Biyo yarida uu aadka u saameeyay ayaa sheegeen in dhibaato weyn ay ugu jiraan sidii ay biyo ku heli lahaayeen.

Waxa ay Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed ka dalbeen in lala soo gaaro gar gaar dhanka biyaha ah, oo dadka iyo duunyada halkaasi ku nool ay halis ugu jiraan in ay biyo la’aan u dhintaan ama ay ka qaxaan guryahooda.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *