Ilhaan Cumar oo ku guuleysatay Xubinimada Baarlamaanka Gobolka Minnesota

Muqdisho, August 10, 2016:Ilhaan Cumar ayaa ku guuleystay xubinimada Baarlamaanka Gobolka Minnesota, gaar ahaan degmada 60-B, iyadoo ka guuleysatay Phyllis Kahn oo mudada dheer ku fadhisay kursigaas.

Kursiga xubinimada Baarlamaanka Gobolka Minnesoto ee degmada 60-B ayaa waxaa ku tartamayay saddex musharax oo kala ahaa Ilhaan Cumar, Mohamed Nuur oo labaduba ahaa Soomaali iyo Phyllis Kahn oo ayadu ahayd qofku kursiga horay u haystay.

Ilhaan Cumar ayaa heshay codod dhan 41%, halka Mohamed Nuur uu helay 30%, halka Phyllis Kahn ay heshay 29%.

Ilhaan Cumar ayaa noqoneysaa gabadhii u horeysay oo Soomaali Mareykan ah ah oo Xildhibaan ka noqota dalka Mareykanka.

Ilhaan Cumar ayaa aad u soo dhoweysay guusha ay gaartay,waxaana iyadoo ilmeyneysa la dabaal degtay taageerayaasheyda, markii lagu dhawaaqay natiijada codka.

Taagerayaasha Ilham, ayaa sheegay in ay howsha loo doortay ay ka soo bixi-karto.

Ilhan1

Ilhan-Omar

Ilhan

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *