Gudoomiye Muungaab ” Ma Ogolaaneyno wax mudaahaad ah inuu ka dhaco Muqdisho”

Muqdisho – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa ku dhawaaqay go’aanno adag oo xakameynaya banaanbaxa ay dhawaan shaaciyeen siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaasoo lagu wado in lagu muujiyo cabashooyin ku saabsan xukunka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Muungaab ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin wax kasta oo amniga caasimadda wax u dhimaya, isagoo ku tilmaamay abaabulka banaanbaxa mid “qabyo-qoraal ah oo lagu doonayo fowdo iyo burbur dowladeed.”

“Caasimadda Muqdisho waa meel amni ah, mana oggolaan doonno in siyaasad lagu dhex qariyo falal amni darro ah,” ayuu yiri Guddoomiyuhu isagoo la hadlayay warbaahinta maxalliga ah.

Fariimo hanjabaad ah oo la is dhaafsaday

Go’aannada Guddoomiyaha kaddib, waxaa baraha bulshada lagu arkay fariimo is-dhaafsi hanjabaad u eg oo u dhexeeya taageerayaasha dowladda iyo kuwa mucaaradka. Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku eedeeyay Muungaab inuu

“ka shaqeynayo caburin iyo cabsi gelin siyaasadeed,” halka taageerayaasha dowladda ay sheegeen in “sharciga lala tiigsan doono cid kasta oo isku dayda kicin dadweyne.”

Mucaaradka, oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Madasha Badbaado Qaran, ayaa horey u shaaciyay in ay qaban doonaan banaanbax nabadeed oo ay ku muujinayaan diidmada ay u qabaan “musuqmaasuqa, kalitalisnimada iyo ku xadgudubka dastuurka” ee ay ku eedeeyaan dowladda federaalka.

Hase yeeshee, maamulka gobolka ayaa hadda si cad u sheegay in banaanbax aan fasax rasmi ah lagu heysan laga hortagi doono, iyadoo la adeegsanayo ciidamada ammaanka.

Xaaladda Muqdisho ayaa sii noqonaysa mid kacsan, iyadoo dad badan ay ka walaacsan yihiin in xiisaddan siyaasadeed ay isu beddesho mid rabshado dhalisa, maadaama labada dhinacba muujiyeen hadallo kulul oo isugu jira digniino iyo hanjabaado qarsoon.