Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Isniinta maanta ah hoygiisa ku qaabilay feeryahanadda Soomaaliyeed ee haysata horyaalka caalamiga ah, Ramla Cali Axmed.
Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa waxa uu Ramla gudoonsiiyay ‘Billad Sharaf’ si’ uu ugu muujiyo qadarin iyo bogaadin ay ku mutaysatay guulaha ay ka soo hoysay ciyaaraha feerka caalamka.
Ramla Cali, oo maalmahan ku sugnayd magaalada Muqdisho, ayaa dhowaan waxa ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka heshay Bilad Sharaf, maadaama ay magaca Soomaaliyeed si’ weyn ugu meteshay fagaaraha caalamka, kuna soo bandhigtay sumcadda iyo kartida gabdhaha Soomaaliyeed.
Dr. Muungaab, ayaa xusay in ay ka go’an tahay bari-taaridda iyo horumarinta ciyaaraha, garab istaagga ciyaartoyda Soomaaliyeed iyo dhiirrigelinta ka qaybgalka dalka ee dhammaan heerarka Olambikada, isagoo ku tilmaamay guusha Ramla mid dhiirrigelin u ah jiilka cusub iyo bulshada Soomaaliyeed guud ahaan.
