Muqdisho | Maarso, 19, 2025 – Sida ay wararku sheegayaan ku dhowaad toban qof, oo badankood ay rayid ahaayeen ayna ku jireen weriyeyaal, ayaa ku dhintay qarax miino oo kolonyo uu la socday madaxweynaha Soomaaliya shalay lagula beegsaday meel u dhow madaxtooyada.
Qaraxa oo ay sababtay miino lagu aasay waddada aadda madaxtooyada, ayaa dhacay xilli madaxweynuhu kasii baxayay magaalada kuna sii jeeday ciidamada dagaalka kula jira al-Shabaab ee ku sugan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Wax dhib ah sooma gaarin madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa ugu horreyn ka degay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu ku booqday ciidanka dagaalka kula jira al-Shabaab.
Sidoo kale wuxuu booqday deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada qaranka.
Ujeedka booqashada madaxweynaha ayaa lagu sheegay “u kuur-galka xaaladda ciidamada iyo xoogagga shacbiga ah ee u istaagay xoreynta deegaannadooda, xaaladda deegaannada laga xoreeyay al-Shabaab iyo inuu warbixinno ka dhegeysto talisyada iyo hoggaannada ku sugan furimaha dagaalka”.
Maxay dowladda Soomaaliya ka tiri?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaasi la fashiliyey isla markaana Madaxweyne Xasan Sheekh uu nabad ku gaaray goobtii uu ku sii jeeday.
War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta lana soo dhigay bogga telefishinka qaranka ayay dowladdu ku qiratay weerarkaas.
“Abbaaro 10:32 am, qarax ayaa kolonyada lagula eegtay degmada Xamar-Jajab ee Muqdisho iyadoo madaxweynuhu kusii jeeday in ciidanka uu ugu tago furimaha Hirshabelle kulana afuro. Weerarka waa la fashiliyay, madaxweynuhuna si badqab leh ayuu ku gaaray halkii uu ku socday sida qorshuhu ahaa,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka xalay lasoo dhigay bogga telefishinka qaranka.
“Falkan wuxuushnimada ah, oo sababay dhimashada iyo dhaawaca rayid aan waxba galabsan, wuxuu caddeyn u yahay niyad-jabka sii kordhaya ee al-Shabaab kadib guul-darro is daba joog ah oo ay kala kulmeen ciidamada qaranka. Xoogagga ammaanka ayaa sameynaya baaritaan dhammeystiran faahfaahin dheeraad ah oo khasaaraha ku saabsanna waa lasoo wadaagi doonaa.” Ayuu war-saxaafadeedku intaa raaciyay.
