Kulankii 3aad ee Wadatashiga Ururrada Siyaasadda iyo Daneeyaasha Doorashooyinka iyo Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha.

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta qabtay mar kale kulamadii ay la yeelanayeen ururada siyaasadda iyo daneeyayaasha doorashooyinka iyada oo uu ujeedku yahay sidii uu Guddiga iyo ururrada uga sheekaysan lahaayeen hawsha diiwaagelinta ururrada, caqabadaha iyo guud ahaanba hawlaha ku gedaaman diiwaangelinta.

Guddoomiyaha GMDQS, Mudane Abdikarim Ahmed Hassan oo furay shirka ayaa sheegay in shirarka noocan ah ay qayb ka qaadanayaan in si wacan la isla fahmo sharciga ururrada iyo axsaabta iyo gaar ahaan xeerka lr 27 ee shuruudaha uu farayo ee ku aaddan isdiiwaangelinta ururrada iyo xisbiyada, si ururradu u noqdaan ururro rasmi ah oo ka qaybqaata doorashooyinka loo madlan yahay.

Intaa kadib, waxaa billowday jadwalkii shirka oo uu ugu horreeyay aqoon-iswadaarsi ku saabsanaa xeerka ururrada, fahanka iyo tafsiirinta qaybo kamid ah xeerka oo ay markaa danaynayeen ururrada, waydiimo badanna ka samaynayeen todobaadkii lasoo dhaafay, sidoo kale, waxaa laga dooday xeerka qaybahiisa khuseeya ‘Isbahaysiga iyo Midawga Ururrada/Xisbiyada iyo sharciga waxuu ka qabo.

Intaa waxaa dheeraa, in cashar walba oo la jeedyo ay la socdeen waydiimo iyo warcelin la xiriira xallinta caqabadaha, sharax ka bixinta hannaanka ugu habboon ee urur isu diiwaangeliyo iyo waliba sida loo sii dardar gelinlahaa Xafiiska Diiwaanhayaha iyo adeegga uu bixiyo. Jawaabaha ayaa waxaa bixinayay khubaro sharci oo katirsan GMDQS iyo Xafiiska Diiwaanhayaha oo ah xafiiska sida sharciga ku hawlan hawsha diiwaagelinta.

Kasoo qaybgalayaasha kulanka ayaa isugu jiray ururro diiwaangashan, ururro cusub oo doonaya inay isdiiwaangaliyaan. Waxaa kale oo goobta ku sugnaa ururro ka socda bulshada rayidka ah oo u joogay goobta barasho iyo aqoon-kororsi iyo inay hubsadaan habsami u socodka shaqada doorashooyinka.

Gabagabadii kulanka, qaar kamid ah madaxda ururrada siyaasadda iyo daneeyayaasha doorashada ee ka soo qaybgalay ayaa mahadcelin u jeediyay GMDQS, waxayna isku raaceen in wax badan oo ku saabsan xeerka doorashooyinku uu bidhaamiyay kulanka, iyaga oo codsaday in kulamada noocan oo kale la badiyo.