Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud maanta ayay talo la gudboontahay.

Bartamihii 2022 ayuu ku dhawaaqqay dagaal dalka looga xareeynayo Khawaarijta. Durbadiiba wuxuu ka soo hooyay guul ballaaran.

Iyada oo xaalku aad u wanaagsan yahay ayuu sameeyay qaladkii ugu weynaa oo taariikhi ahaa markii uu badalay labadii Janan ee dalka xoreeysay (Jeneral Odawaa iyo Jeneral Biixi).

Kuwii lagu badalay guul ay keenaan iskaba daaye intii la xoreeyay difaaceeda ayay ku filnaan waayeen, ciidankiina dhan kasta ayuu sagxadda hoose gaaray, awood ahaan, qalab ahaan iyo niyad ahaan intaba.

Taas waxaa xigtay in madaxweynuhu galkii dagaalka oo dhanba iska xiray malaheeyga markii uu ku qancay in talo gacantiisa ka baxday, wuxuuna galay mashruuc la xariira siyaasad iyo sidii uu mar kale talada ugu soo laaban lahaa iyo ka-shaqeynta Dastuur, doorasho iyo wax lamid ah.

Sannad kadib, cid kula talisayba madaxweynuhu wuxuu dib u saxay qaladkiisii dhanka ciidanka la xariiray, wuxuuna dib u soo celiyay mid kamid ah labadii Janan ee geesiyaasha ahaa [Jeneral Odawaa).

Sidoo kale wuxuu isbeddel ku sameeyay hoggaankii NISA wuxuuna keenay hoggaa  dagaalku dhab ka yahay oo ah nin ugu yaraan reerkiisa si buuxda u dagaal galin kara.

Nasiib wanaag, maanta, mar kale ayuu nasiibku u hiilliyay madaxweynaha markii uu ka faa’iideeystay qalad markii labaad dhanka Khawaarijta ka dhacay oo sababay in Qabaa’ilku dib qoriga u qaato, waxaana dib u soo noolaaday ruuxdii dagaalka.

TALO KU SOCOTA MADAXWEYNAHA.

Mudane Madaxweyne, haddii farriintan aan 30-ka Malyuun ee soomaalida aan marqaatiga uga dhigayo ay ku soo gaarto, waxaan kugula talin lahaa inaad:

1. Inaad ka dagto diyaaradda aad saaran tahay, Tuutahaaga xirato, oo aad dagto furinta dagaalka, furinta dagaalka kalama jeedo, Dhuusamareeb-tii lagugu soo furtay 2023, Buulaburte iyo caasimadaha maamul goboleedyada midkood, waxaan kala jeedaa Furinta dagaalka ruuxeeda: Tusaale; Aadan Yabaal, Ceeldheer, Ceel-Baraf ama Ceel Cali Axmed ama Alkowthar oo kale, halkaas aad Teendho ka dhisato, talis dhexe iyo fariisin ciidan oo aad dagaalka ka hoggaamiso ka dhigato.

2. Shaqada dowladda, sida Siyaasadda, safarrada, qaabilaadda wufuudda dalka imaaneeysa, ganacsiyada iyo wixii lamid ahna u xilsaarato Ra’isalwasaarahagaaga baahida badan u qaba shaqo uu qabto.

3. Inaad hakiso dhammaan qodobada dooduhu ka taagan yihiin oo ay dadka soomaaliyeed ku kala qeybsan yihiin sida; Doorashada, Dastuurka, Dhulalka iyo wixii lamid ah; si aad dagaalka ugu hoggaamiso bulsho kuu mideeysan, oo aan il-na adiga kugula socon, isha kalana aan adiga iskaga kaa ilaalineeyn.

4. Inaad kulan weyna ajandigiisu yahay sidii dalka loo xoreeyn lahaa (oo qura) ugu baaqdo mucaaradka oo ay ugu horreeyaan labadii madaxweyne ee midba mar xilka kugu wareejiyay.

5. Wasaaradda gaashaandhigga oo aad u hesho wasiir garanaya shaqada u taalla culeyskeeda.

MUDANE MADAXWEYNE HADDII AAD INTAAS YEESHO DADKA SOOMAALIYEED WAXEY KAA FAA’IIDI DOONAAN:

• Dalka oo u xorooba, waliba muddo gaaban.

• Cabsi la’aan oo ay ku noolaadaan, ku ganacsadaan, wax ku bartaan, kuna cibaadeeystaan.

ADIGU WAXAAD KA FAA’IIDI DOONTAA:

• In ay taariikhda kuu gasho hoggaamiyihii dalka xoreeyay 1960 kadib, oo magacaaga lagu daro manhajka waxbarashada dalka iyo taariikhda.

• Siyaasad ahaan, oo aad dhan kasta ka kobacdo, soomaalida dhexdeeda iyo caalamkaba.

• Inta aad dagaalka ku maqantahay siyaasigii doorasho ka hadla ama xataa ku soo hadal qaada oo shacabku ay aqalkiisa ugu galaan, iyaga oo adiga ku difaacaya maadaama aad difaacooda ku maqantahay.

• Waxaa dhici karta inaad muddo-korosi dood la’aan ah ka hesho

• Hadd alle ku waafajiyo inaadKhawaarij dalka ka xoreeyso, waxaa adkaan doonta in la helo siyaasi soomaaliyeed oo kursiga kugula tartama, waxaana taageerayaal naftooda adiga kuu bixiya noqon doona qaar maanta aaminsan in ay naftooda u bixiyaan in adiga lagu ceyriyo.

HADDII AADAN INTAAS YEELIN:

1. Adiguna waad qasaari doontaa, dalka gacanta soomaaliyeed wuu ka bixi doonaa,, jiil-ka-jiil qof kugu abtirsada talada dalka waa laga ilaalin doonaa, Aakhiro iyo xisaabtan waa kuu sii dheertahay, in soomaali dib kuu soo dooratana iskaba illoow.

Madaxweyne, kala doorashooyinka qodobaddaas go’aankeeda adigaa leh, dadkuse kan hore ayay kula jecelaan lahaayeen inaad doorato.

MAANTA AYAY TALO KULA GUDBOONTAHAY WIILKII SUUBAN SABRIYOOW.

Cali Cabdi Wardhere (Cali Yare).
Arbaco, 26 February 2025.