Haween Soomaali Ah Oo Lagu Maxkamadeynayo Maraykanka

Muqdisho, July 12, 2016: Maxkamad ku taala magaalada, ALEXANDRIA ee dalka Mareykanka, ayaa waxaa ka bilowday dacwad loo heysto labo haween Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in ay taageero u fidiyeen Al-Shabaab, in mudda ahna xiraa.

Haweenkaan Soomaaliyeed ayaa lagu kala magacaabaa Hinda Cismaan Dhiirane iyo sidoo kale Muno Cusmaan Jamac.

Haweenkaan ayaa lagu eedeeyay in ay Al-Shabaab u fidiyeen taageero lacageed iyo sidoo kale mid ah gubaabin  ah sida ay in ay suugaan ku cabiraan dagaalka Al-Shabaab ay kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Paula Deutsch, oo ah qareenka maxkamadda Fedaraalka ah ee dalka Mareynkanka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la marsiiyo sharciga haweenkaan oo taageero u fidiyeen Al-Shabaab.

Haweenkaan Soomaaliyeed ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay taageero ka geysteen weerarkii lagu qaaday Suuqa westegate Mall ee dalka Kenya,halkaas oo lagu dilay dad gaaraya 67 ruux.

Qareenka Difaacaya haweenka Soomaaliyeed ayaa sheegay in aysan wax xariir ah la la ahey Al-Shabaab,islamarkaana lacagta ay u diri jireen qaraabadood oo ku sugan Geeska Afrika.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *