Maamulka gobolka Tigreega oo ku eedeeyay dowladda federaalka iyo Ereteriya in ay duqaymo ka fuliyeen goobaha ay deggan yihiin dadka rayidka ah

Isniin: OCTOBER 10, 2022

Maamulka gobolka Tigreega ee Itoobiya oo ay colaada ka taagan tahay ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka iyo xulafadeeda Ereteriya in ay duqaymo aan loo meel dayin ku fuliyeen goobaha ay deggan yihiin dadka rayidka ah.

Maamulka gobolka ayaa sheegay in weerarrada ay ku badan yihiin deegaannada ku dhow xadka Eritrea (oo ay ku jiraan Rama iyo Adigrat).

Xoogagaga Tigrega ayaa Waxay ku booriyeen dadweynaha inay ku biiraan dagaalka.

Wadahadallo nabadeed oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Afrika oo toddobaadkan ka furmi lahaa dalka Koonfur Afrika ayaa dib loo dhigay sababo lagu sheegay cilada farsamo.

Dagaaladan ayaa dib u billowday bishii Ogosto ee sanadkan ka dib xabbad joojin muddo bilo ah socotay.

Itoobiya iyo Ereteriya ayaan wali ka hadlin edeynta Tigray.

Office Nairobi Kenya