Ciidamada Uganda oo Mushaar la’aan ah

amjsom

Moqdisho,7 September 2015-Sida wargeeyska Daily Monitor uu qoray, ciidanada Uganda ayaa ka cabanaya mushaar la’aan, taas oo an la ogeeyn sababta keentay ama ugu wacan.

Dayli Monitor oo ka soo baxa Uganda ayaa sheegay in ciidamada qaybta 14aad an la siin mushaarkoodi mudo 9 bilood ah, balse hadalkaas waxaa beeniyay afhayeenka AMISOM Paddy Ankunda, kaas oo qiray in ciidamada mushaarka uu maqanyahay mudo 5 bilood kaliya ah.

Ciidamada Uganda ayaa mudooyinki dambeeyay ka baxaayay meelihi ay horay u qabsadeen, taas oo dadka ku micneyeen in ay ugu wacantahay mushaar la’aanta la soo deritay.

Dhawaan ayeey ahayd marki taliye ku xigeenka Ciidamada Ugaanda uu tegay magaalada Marko, si askarta meeshaas joogto, uu niyada ugu soo dhiso.

__________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *