Ciidanka Dowladda oo howlgallo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

Talaado:AUGUST 30, 2022

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Kumandooska Danab Ururka 7aad Guutada 16-aad Danab ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay deegaano ku yaalla Gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidanka ayaa howlgalka ka sameeyay Degaanada kala ah Gamboole, Jameeco Jiliyaale & Ceel-cadde ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in ay baaritaano ka sameeyeen Guryaha ku yaalla deegaannada, iyaga oo baadi goob ugu jira xubnaha ka tirsan Al-shabaab.

.

Office Nairobi Kenya