Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye oo shir gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug

Isniin: June 6, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug, iyadoona Wasaaradda Arimaha Guduaha, Federaalka iyo Dib  uheshiisiinta Galmudug ayaa soo jeedisay laba hindise sharciyeed si golaha ay uga doodaan, una ansixiyaan.

Golaha Wasiirada oo ka dooday hindise sharciyeedyada lasoo jeediyay ayaa cod gacan taag aqlabiyad ah ku ansixiyay labo hindise sharciyeed ee hoos ku xusan, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona hannaanka doorashooyinka Galmudug.

Labada hindise sharciyeed ee ay Golaha Wasiirada ansixiyeen ayaa kala ah:-

1 – Sharciga Guddiga Doorashooyinka ee dowladda Galmudug.

2 – Shirciga ururada iyo xisbiyada siyaasadeed ee Dowladda Galmudug.

Sharciyadaan ayaa si rasmi ah wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta u gudbin doontaa Golaha Baarlamaanka Galmudug si ay waajibkooda uga guta

.

Office Nairobi Kenya