Garyaqaanka guud ee dowladda” waa In maxkamadda sare aqbasho go’aankii guddiga FEIT ee hakinta kursigan HOP086″

Garyaqaanka Guud ee dawladda Soomaaliya ayaa Jawaab-celin ka kooban 5 bog u diray Maxkamadda Sare ee dalka, taas oo uu kaga hadlay Dacwada Kursiga HOP086, ee uu kusoo guuleystay Fahad Yaasiin, balse ay guddiga FEIT hakiyeen.

Garyaqaanka ayaa horey u dalbaday 14-maalmood, balse jawaabtiisa maanta ayaa ka dhigan in waqtigii hore ee laga diiday uu aqbalay, isagoo gabagabeynta doodiisana raaciyey qoraalka.

Garyaqaanka ayaa nuxurka doodiisa ku dul-gooyay

1- In maxkamadda sare aqbasho go’aankii guddiga FEIT ee hakinta kursigan HOP086.

2- In Maxkamaddu dacwadan uga go’aan gaarto, si waafaqsan Danta guud, Cadaalada iyo Sharuucda dalka.

3- In ay diido Cabashada katimi dhinaca Dacwoodaha ah, maadaama aysan jirin go’aan maamul oo kama dambeys ah.

4- In dhinaca Cabashada keenay ay saarto dhaqaalaha ama Kharashka Gal-dacwadeedkan.