Musharrax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sarreeyeyaasha, saraakiisha, saraakiil xigeennada, aliflayda iyo dablayda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda ugu hambalyeeyay sannadguurada 62-aad ee ka soo wareegatay maalintii dhidibbada loo aasay.
Qoraal uu musharraxa soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in uu yahay Lafdhabarta uu ciidanka ku tiirsan yahay kalsoonida dadweynaha Soomaaliyeed. Sidaas awgeedna uu u rajaynayo in ay mar walba mudnaan siiyaan sida ay u ilaalin lahaayeen kalsoonida ay shacabka Soomaaliyeed ku qabaan.
“ Waxaan rabnaa in aan ugu cudurdaarno marar badan oo la isku dayay in siyaasadaha la geliyo Ciidamada Sannadguuro wacan. Sannado badan ha jiro ciidankeenna oo aan siyaasad ku jirin ayuu yiri” Musharrax Daahir Geelle.
