Is-barbar dhig uu sameeyey Boris Johnson oo caro ka dhaliyey UK iyo Yurub


Isniin: March 21, 2022



Ra’iisal Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa lagu eedeeyey in uu isbarbar dhigay dagaalka ka socda Ukraine ee ka dhashay duulaanka Ruushka iyo codeyntii aftidii ay Britain kaga baxday Midowga Yurub.

Khudbad uu ka jeediyey kulankii xisbiga talada haya ee Gu’gan ayuu ku sheegay in dadka reer Ukraine iyo Britain ay iskaga mid yihiin doonista xorriyada Kiev ay u dagaalamayaan iyo aftidii sannadkii 2016-kii ay Britain kaga baxdey Yururb.

Hadalkan Ra’isal Wasaare Boris Johnson ayaa ka careysiiyey qaar ka mid ah siyaasiyiiinta Britain iyo reer Yurub.

Office Nairobi Kenya