Taliyaha ciidamada asluubta janaraal Mahad oo u tartamaya xildhibaan


Isniin: March 14, 2022

Taliyaha ciidammada Asluubta Soomaaliya, Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa u tartamaya kursiga xildhibaanimo ee HOP#172 ee Koonfur Galbeed.

Guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed ayaa janaraalka guddoonsiiyay shahaadada musharraxnimada ee kursigaas.

Taliyaha ciidamada Asluubta ayaa maalmihii u dambeeyey aad loo hadal hayey in loo wado Golaha Shacabka Soomaaliya, isaga oo taageero ka helayo madaxweyne Lafta Gareen.

Office Nairobi Kenya