Dagaalka Ukraine oo galay maalintii saddexaad

Sabti:February 26, 2022

Dagaalka ka socda Ukraine ee ay wadaan  ciidamada Ruushka, ayaa galay maalintii saddexaad, waxaana sidokale dib u soo laabtay  duqayntii ku socotay qeybo kamid ah Caasimadda.

Sida ay sheegayaan Suxufiyiinta ku sugan halkaas, Rasaas xooggan iyo Qaraxyo ayaa laga maqlayaa qeybo kamid ah Caasimada gaar ahaan  fagaaraha Independence ee bartamaha magaalada Kiev.

Ciidamada  difaaca Ukraine ayaa xaqiijiyay in weerar lagu qaaday saldhig ay ciidamada ku lahayeen meel ku dhow Kiev, sidoo kale ciidamada Ruushka ayaa sheegay in gantaallaha loo yaqaano Caliber, ay ku garaceen qeybo kamid ah Caasimadda Ukraine, kuwaasi oo ay ka soo tureen Markiib ku sugan badda madow.

Wararka ayaa intaas ku daraya in caasimadda Ukraine ay ka jiraan Cunta yari iyo khalkhal dhanka Internet-ka ah.

Office Nairobi kenya