Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray caawa Fiidkii magaalada Doha ee dalka Qatar

Isniin: October 4, 2021

Wararka ka imaanaya caawa magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa sheegaya in caawa fiidkii uu halkaas gaaray  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta duhurkii ka baxay magaalada Muqdisho, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka  helay amiirka Qadar, Sheikh Tamim bin Xamad Al Thani.

Sidoo kale Qatar ayaa xiriir dhow la leh madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Safarka Rooble ayaa imaanaya Xili khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo Farmaajo iyo Fahad oo isku dhinac ah iyo Rooble, maanatana uu Muqdisho ka tagay farmaajo oo aaday Itobiya.

Dhinaca kale Rooble ayaa horey u booqday dalalka, Jabuuti, Kenya, Masar, Sacuudiga & Ingiriiska isaga oo kulam gaar  gaar ah la soo yeeshay madaxda wadamadaasi.

Office Nairobi Kenya