Daah-furka Mashruuca Dib-u-furista 52 Waddo oo Muhiim ah oo Muqdisho ku yaalla

Muqdisho, Oktoobar 4, 2025: Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay qorshaha dib-u-furista 52 waddo oo muhiim ah oo sanado badan u xiranaa sababo amni dartood.

Munaasabadda furitaanka waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan laamaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir iyo Wakiillo ka socday bulshada rayidka.

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa sheegay in qorshahan dib-u-furista waddooyinka uu socon doono muddo 30 maalmood ah, isla markaana waddadii ugu horreysay maanta laga qaaday dhagxaantii ku go’nayd, taas oo calaamad u ah billowga hirgelinta mashruuca.

Waxa uu xusay in tallaabadani ay ka dhalatay soo hagaagidda amniga caasimadda, taas oo ay suurtagelisay wadashaqeynta dhow ee u dhaxaysa laamaha amniga iyo maamulka gobolka.

“Ujeedkeenna waa in aan yareyno ciriiriga magaalada, muwaadiniintana u fududeyno inay si nabad ah oo xasillooni leh u gutaan hawlahooda maalinlaha ah,” ayuu yiri Guddoomiye Dr. Muungaab.

Waxa uu intaas ku daray in tallaabadan ay qayb ka tahay soo celinta bilicda iyo isku socodka magaalada Muqdisho, iyadoo uu ballanqaaday in dib-u-dhis iyo dayactir lagu samaynayo waddooyinka u baahan hagaajinta.

Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan laamaha amniga dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan sugidda amniga caasimadda, isagoo bulshada ku booriyay inay sii wadaan la-shaqeynta ciidamada amniga si looga hortago khatar kasta oo amni-darro ah.

“Dib-u-furista waddooyinkan waa fariin cad oo muujinaysa in caasimadda Muqdisho ay ka xorowday dabinnadii iyo khatarihii Khawaarijta cadowga ah,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.