Kulanka mucaaradka iyo maamul goboleedyada – ma fursad baa mise waa caqabad

Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta oo ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka kenya, waxaana ay kulanka kaga hadleen sida ay ku sheegeen war-saxaafadeedkooda arrimo ay k amid yihiin siyaasadda iyo amniga dalka.

Kulanka waxaa laga soo saaray ilaa shan qodob, waxaana ugu mudnaa:

  • In la dhiso Golaha mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta iyo maamullada Jubaland iyo Puntland”.
  • In si dhaqso ah shir la isugu yimaado gudaha Soomaaliya si looga arrinsado, go’aanna looga gaaro xaaladda kala guurka siyaasadeed ee dalka.
  • Qodobbka saddexaad ayaa lagu sheegay “in shirka soo socda lagu dhameystiro dhismaha golaha mustaqbalka Soomaaliya”.
  • Qodobka afaraad ayaa baaq loogu jeediyay bulshada Soomaaliyeed, iyadoo lagu dhiiri galiyay in ay “u midoobaan xaaladaha dalka”.
  • Waxaa sidoo loo mahad celiyay dowladda Kenya. “Shirku wuxuu uga mahad celinayaa Dowladda Kenya dadaalka ay ugu jirto sidii Soomaaliya u heli lahayd xasilooni iyo horumar”.

Xubnaha mucaaradka ah ee Shirka kala qayb galay madaxweynayaasha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa kala ah ra’iisul wasaarayaal hore Xasan Cali Khayre, Cabdi Faarax Saacid Shirdoon, iyo xildhibaan Cabiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Shirkan xubnaha mucaaradka ka tirsan iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Nairobi ku dhex maray ayaa ku soo beegmaya, xilli ilo ku dhow-dhow dhinacyadan ay dhawaan BBC-da u sheegeen in dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul gobolleedyadan ay u bilowdeen wadahadallo lagu xallinayo khilaafka meesha sare gaaray ee muddada ka dhex aloosnaa.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay tanaasul si loo qanciyo siyaasiinta iyo hoggaamiyaasha tabashada qaba, isla markaana loo helo midnimo iyo wadajir Qaran.

Wuxuu intaa raaciyay in dadaal uu u galayo sidii loola fariisan lahaa dhinacyada ka aragtida duwan dowladdiisa: “Waxaan wali dadaal ugu jirnaa oo aanan ka harin walaalaha ka gows qabsaday inay qayb ka noqdaan geeddi-socodka xasilinta siyaasadda dalka. Haddana maqaamka iyo mas’uuliyadda oo lagu kabay odaytinimada iyo nabad-dooneynta mas’uuliyadda heer qaran, waxay na faraysaa in aan qof kasta oo wax tabanayo raadino, waana ku sii soconaynaa wadadaas Alle idankii” ayuu yiri madaxweynuhu.

Kulanka mucaaradka iyo maamul goboleedyada – ma fursad baa mise waa caqabad?

Qaar ka mid ah falanqeeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in kulanka mucaaradka iyo maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland uu keeni karo laba arrimood oo kala ah culeys iyo faa’iido.

Wasiirkii hore ee Batroolka iyo Khayraadka macdanta, ahna falanqeeye arrimaha Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibrahim, ayaa kulanka ku micneyay sidaan, “fursadna wuu keenayaa caqabad-na wuu keenayaa”.

Isagoo sii sharraxaya labada arrimood ayuu yiri Maxamed Mukhtaar “fursadda ugu weyn waxey tahay sidaan la socono bishii Maarso dhamaadkeedii, madaxweynuhu wuxuu ku baaqay Madal uu rabo inuu kula tashado dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan siyaasiinta, balse siyaasiinta laftoodu ma aysan mideysneyn, marka hadda, haddii qaar ka mid ah ay midoobaan oo ay hal cod ku hadlaan waxey dowladda u fududeyn kartaa in ay hal qolo la hadasho taas ayaa ah fursadda”.

Wuxuu intaa ku daray wasiir hore Maxamed Mukhtaar Mar uu sharraxayay culeyska uga imaan kara dowladda kulankan mucaaradka iyo maamul gobolleedyada, “waxey abuuraysaa arrintaan culeys ay rabaan in ay helaan mid u dhigma midka madaxweynaha oo ay ku xakameeyaan, waxayna keenaysa culeys mideysan oo ah dowlad gobolleedyadii iyo xubnaha mucaaradka”.

Dhaqan soo noqnoqday

Kulanka xubnaha mucaaradka iyo madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, ayaa sidoo kale muujinaya arrin aan ku cusbeyn siyaasadda Soomaaliya sida uu qabo Maxamed Mukhtaar taasoo ah in mar walba oo dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyadu is qabtaan ay mucaaradku la saftaan maamullada.

“Mucaraadka ujeedadoodu waxey tahay in ay xakameeyaan dowladda awoodeeda iyo in xilliga kala guurka ah ay arrimuhu noqdaan kuwa loo siman yahay”.

Is-biirsiga mucaaradka iyo maamul goboleedyada ayaa sida muuqata keeni kara culeys mararka qaar hakad gelin kara tallaabooyinka dowladdu ay ku wajahayso dastuurka, dorashooyinka iyo dagaalka ay kula jirto al-Shabaab sida uu qabo falanqeeyaha.

Sidoo kale falanqeeye ahna wasiir hore Maxamed Mukhtaar ayaa sheegay in war-saxaafadeedka ka soo baxay kulanka ka dhacay Nairobi loogu mahad celiyay dowladda kenya, arrintaasoo uu u arko inay muujineyso In Kenya ay kaalin ku leedahay.

“In bayaanka ka soo baxay shirka Kenya loogu mahadceliyo wuxuu muujinayaa, doorka soo kordhaya ee Kenya ku leedahay arrimaha Soomaaliya” ayuu yiri Mukhtaar.

Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyay Maxamed Mukhtaar in labada dhinac – waa dowladda federaalka iyo siyaasiinta mucaaradka ah oo maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland ay ku jiraane – ay wada hadlaan si la iskula fahmo arrimaha la isku hayo ee khilaafka keenaya.

Wuxuu xusay in markii hore aragtiyadu kala fogaayeen hase yeeshee aan cidna wax ka faa’iidin marka la eego halka khilaafku gaaray. Wuxuuna intaa raaciyay in hadda ay qasab tahay marka la eego xilliga kala guurka ah iyo sida muhiim ay u tahay in miiska wadahadalka la isugu yimaado.

“Waxyaabihii waaweynaa wax lagama qaban, waxaana qasab ah in miiska wadahadalka la isugu yimaado si xilligaan kala guurka ah looga gudbo” ayuu yiri.

………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….

Xigasho: BBC Somali