Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay hoggaamiyeyaasha mucaaradka inay isku dayayaan inay khalkhal iyo xasilloni daro ka abuuraan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kaddib iska horimaad khasaare geystay uu Arbacadii ka dhacay magaalada Muqdisho.
Rabshadahaan ayaa yimid kadib markii siyaasiyiin mucaarad ah oo uu ka mid yahay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ay gaareen saldhig ay ku xirnaayeen dad loo soo xiray arrimo la xiriira muran dhul, kuwaas oo baraha bulshada lagu baahiyay muuqaalo muujinaya iyaga oo la jirdilayo. .
Illinka hore ee saldhigga booliska ee degmada Warta-nabadda ayaa ilaalada madaxda mucaaradka iyo kuwa booliska rasaas is weydaarsadeen shalay galabtii, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac sida ay sheegeen labada dhinac oo la hadlayay warbaahinta gudaha.
Maxay sheegtay dowladda?
Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa si adag loogu eedeyay siyaasiyiinta mucaaradka iyo ciidamo ay wateen iney isku dayeen inay xoog ku qabsadaan saldhigga degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.
Dowladda waxay cambaareyneysaa falal liddi ku ah amniga caasimadda oo ay ku dhaqaaqeen xubno siyaasiyiin ah oo doonayey inay xoog kula wareegaan Saldhigga Booliska ee Degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka ay soo saartay wasaarada war-faafinta dowladda Soomaaliya.
Taliyaha booliiska gobolka Banaadir Gaashaanle Mahdi Cumar Mumin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamo hubeysan ay saldhiga war-dheegley xoog ku galeen islamarkana ay halkaasi xabbad ka bilaabatay.
“Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegeynaa inay ogaadeen in meesha wax ka dhaceen ay tahay saldhiga booliiska, xabadaha meesha ay ku yaalaanna ay tahay saldhiga booliiska iridiisa, saldhig booliis waxaa loogu talagalay inuu nabad ka shaqeeyo inuu ammaan ka shaqeeyo laakiin ay sharci daro tahay inay ciidan ka baxsan boliiska inay awod ku yimaadaan si sharci daro ah inay ku yimaadaan taasa sababtay isku dhaca” ayuu yiri Tiliye Mahdi.
Dhanka kale war-saxaafadeed ay booliiska soo saaren ayaa lagu sheegay in “falka lagu weeraray saldhiga”, ay ka dhalatay inay xabsiga ka baxsadaan maxaabiis dambiyo culus galay.
Maxay ka yiraahdeen madaxda mucaaradka.
Madaxda mucaaradka oo uu hogaaminayo madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa beeniyay in ay weerareen saldhiga degmada Warnta-nabadda .
Waxay sheegeen in ay halkaas u tageen si ay u soo eegaan islamarkana ay u so damiinteen mid ka mid ah dadka halkaasi ku xirnaa ee loo geystay jirdilka.
“Anaga sida la idin sheegey adeer Cali Iimaan iyo wasiirka ayaa noo yimid oo noo sheegay in ninka waayeelka ah uu ugu jiro wadne macmal ah, oo xitaa mar waxaa naloo soo sheegay inuu dhintay. Marka waxay dhaheen waxaan rabnaa inaad noo damiinatiin noo damiinta aan isbatal geysano ka dib wixii yimaado aan wada aragno intaas ayaan ku baxnay,” ayuu yiri Shariif.
Waxaa uu madaxwybihii hore Sheek Shariif Sheekh Axmed sheegay in markii ay goobtii saldhiga ay tageen laga soo xirtay albaabada ka dib-na xabad ay bilaabatay.
“Sida la idin sheegay markii aan meesha tagnay si caadi ah ayaan damacnay inaan u galno, albaabada waa la isku dhuftay anigaa la hadlay oo ku iri ‘waxaan booqanaynaa dadka dhaawacan ee naga furo. Albaabka ayay isku soo dhufteen ka dib waxaa lagu taliyay inaan gadaal u laabano,.Waxaan go’aansannay inaan shirka jaraa’id meesha ku qabano ka dib-na ka soo tagno markaan is diyaarinay waxaa bilaabatay xabbadii, wiilasha waxaan dhahnay xabad ha ridina,” ayuu intaa ku daray.
Rai’sul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhankiisa sheegay in mid ka mid ah ilaaladiisa lagu dilay rasaastii halkaas ka dhacday, isaga oo sheegay in mid ka mid ah gawaaridiisa lala beegsaday qoryaha culus.
Hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa dhanka kale ku baaqay in maalinta Sabtida ah la qabto dibadbax looga soo horjeedo dhacdooyiinka la xiriirka dhulka ee dowladdu ku lug leedahay.
Dhacdadan xalay ayaa dadka reer Muqdisho dib u xusuusisay iska hor-imaadyadii halkaasi ka dhacay waqtigii doorashada ee madaxwayne Farmaajo.
