Madaxweyneyaasha Masar iyo Jabuuti oo kulankoodii ka dib meel adag ka istaagay “maamulka iyo amniga badda cas”

Masar iyo Jabuuti ayaa ku heshiiyey in “maamulka iyo amniga” badda cas iyo gacanka cadmeed ay “mas’uuliyad ka saaran tahay” dalalka xuduudka la leh biyahaas, sida uu yiri madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi.

Arbacadii ayuu Madaxweynaha Masar Al-Sisi u dhoofay dalka Jabuuti, halkaasoo uu booqasho hal maalin ah ku tegey.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay ka wadahadleen arrimaha gobolka. Waxaa kaloo khudbadda lagu soo qaaday arrimaha Soomaaliya iyo Suudaan.

Sida uu sheegay madaxweyne Geelle, arrin kale oo gobolka ah oo ay labada hoggaamiye ka wadahadleen ayaa ah badda cas iyo gacanka cadmeed. Labada dal ayaa sidoo kale ka wada hadlay marinka Bab el-Mandeb ee isku xira badda cas iyo gacanka cadmeed, sida uu sheegay madaxweynaha Jabuuti.

Labada Madaxweyne ayaa la sheegay inay ka wadahadleen “Xaaladda Ammaanka” ee gacanka.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in “ganacsi badeed oo xor ah” uu ka jiro marinka muhiimka ah ee ganacsiga caalamiga ah ee Badda Cas, waxayna isku raaceen in la xoojiyo iskaashiga iyo “xaqiijinta xasiloonida” badda.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa sheegay in uu Madaxweynaha Jabuuti la yeeshay wadahadallo ballaaran oo ay kaga wadahadleen xaaladda Koonfur Afrika iyo gobolka Badda Cas, labada dal ayaa sidoo kale ka wada hadlay caqabadaha caadiga ah ee ka jira Badda Cas.

Madaxweyne Al-Sisi ayaa khudbadiisa ku yiri “waxaan dib u xaqiijinay diidmadayada aan leexleexadka lahayn ee ka soo horjeeda wax kasta oo khatar ku ah ammaanka iyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa ee marinnada muhiimka ah ee ganacsiga caalamiga ah”.

Waxa uu intaa ku daray inay sidoo kale isku raaceen “muhiimadda ay leedahay ilaalinta mabaadii’da amniga deegaanka”.

Al Sisi ayaa sheegay in arrin kale oo uu sheegay in uu la gaaray madaxweynaha Jabuuti ay quseysay maamulka badda cas iyo gacanka cadmeed.

Labada hoggaamiye waxay ku dhawaaqeen inay “ku heshiiyeen in maamulka iyo amniga” marinnada ganacsiga badaha caalamiga ah ee muhiimka ah” uu yahay mas’uuliyadda keliya ee dalalka deriska ah”.