Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed oo ka tirsan golaha deegaanka Dela oo hoos yimaada deegaanka Ceel-Dhaas ee Ismaamulka Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya oo la la’aa muddo ayey xalay fiidkii rag wejiga soo duubtay soo hor dhigeen gurigiisa ku yaalla Nairobi.
Sida la sheegay xildhibaanka ayaa la afduubtay 13-kii bishii Sebtembar sanadkii hore isagoo saarnaa gaari Uber ah oo marayay waddada Enterprise ee Nairobi.
Aadan Keynaan Wehliye oo ka mid ah xildhibaannada gobolka ayaa BBC-da uga warramay sida uu xalay gurigiisa ku yimid xildhibaanka la la’aa.
“Dad aan la garaneyn ayaa sanadkii la soo dhaafay bishii sagaalaad la tagay, muddo lix bilood ayuu maqnaa, shalay sagaalkii iyo barkii fiidnimo meelahaas ayey dad hadda aan sheegi karin oo indhaha u duubnaayeen soo dhigeen guriga uu dagganaa hortiisa”.
“Meel kasta waa laga hadlay, qolyaha xuquuqda aadanaha way ka hadleen, baaritaan caafimaad ayaan hadda geynay, waqti kale ayaan fursad u heli doonnaa wixii dhacay”.
Xaaladda caafimaad ee xildhibaan Yuusuf ayaa la sheegay in ay fiican tahay oo hadda ay baarayaan dhakhaatiirta.
“Hadda niyaddiisa waa fiican tahay, waxa uu la joogaa dhakhaatiirta, xaalkiisa wuu wanaagsan yahay in kastoo hurdo la’aan iyo nafaqo darro ay ka muuqato,” ayuu yiri xildhibaan Aadan Kenynaan, isagoo intaas ku daray in dhakhaatiirta ay ka sugayaan faahfaahinta xaaladdiisa caafimaad.
Qoyska, ehellada iyo asxaabta xildhibaanka ayaa markasta rajeynayay in isagoo nool la helo, waxayna si weyn u rajeynayeen in uu nool yahay.
“Waqti kasta rajo ayaan ka qabnay in isagoo nool uu imaanayo, kuma ogeyn dhibaato uu geystay, markasta isagoo nool in uu soo noqdo ayaan fileynay”.
Mar aan weydiinay xildhibaan Aadan Keynaan in uu nooga warramo halka uu joogay muddada lixda bilood ee xildhibaanka la la’aa, wuxuu sheegay in hadda ay xoogga saarayaan caafimaadkiisa, ayna ka jawaabayaan su’aalaha la xiriira sida lagu waayay xildhibaanka marka laga gudbo wajiga hadda ee ah daryeelkiisa.
Sidee lagu waayay xildhibaanka?

Waqti fiid ah ayaa la sheeagy in koox wadatay labo gaari oo ah nooca loo yaqaan Land Cruiser Prado ay afduubteen Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed.
Ehelka xildhibaanka waxay sheegeen in maalin Jimca ah laga qabtay magaalada Nairobi, wixii ka dambeeyayna aaney ka helin wax war ah oo la xiriira halka uu ku dambeeyay.
Siyaasiyiinta gobolka waxay xilligaa sheegeen in ay sameeyeen wax kasta oo cidda hayso ku sii deyn karto balse aysan suuragalin.
Bishii Oktoobar sanadkii hore meyd lagu soo tuuray isbitaalka Wajeer ayey ehelkiisa u qaateen in uu xildhibaanka yahay balse baaris la sameeyay ayaa lagu ogaaday in uusan aheyn.
Sababta loo afduubay xildhibaanka ayaan ilaa hadda la ogeyn. Booliiskuna waxay sheegeen markii la afduubtay in darawalka gaariga uu la socday uu u sheegay in labo gaari ay hore iyo gadaal ka istaageen isagoo markaas soo dhaqaaqay, waxa uuna sheegay darawalka in gawaarida lagu afduubtay xildhibaanka aysan laheyn wax numbar ah oo lagu aqoonsado.
Qoyska oo ka hadlay sida ay ku ogaadeen afduubka xildhibaanka waxay sheegeen in darawalka uu ahaa qofka keenay warka halka uu ku dambeeyay xildhibaanka, waxay kaloo sheegeen hadii uusan sidaa yeelin aysan waxba ogaan laheyn.
“Haduusan ninkaas axsaan noo sameyn xitaa warkiisa lama heli laheyn” ayey tiri walaashiisa Xaliimo Xuseen oo sidoo kale BBC-da ugu sheegtay wareysi maalintaas lala yeeshay in aabbaha dhalay xildhibaanka uu yahay qof aragga la’ oo muddo 20 sano ah waxba arag.
Ma jirto cid sheegaty in xildhibaanka ay afduubteen balse qoyska xildhibaanka ayaa ku eedeeyay dowladda in ay ka gaabiyeen raadintiisa, waxayna sheegeen in aysan qaadin wax tallaabo ah.
Dhanka kale, waxaa la helay nin kale oo oday ah kaas oo maqnaa muddo ka badan inta xildhibaanka la la’aa. Ninka odayga oo lagu magacaabo Cumar Maxamed Nuur (Cumar Duwac) ayaa la sheegay in isagana la geeyay magaalada Isiolo.
Aadan Keynaan Wehliye oo aan wax ka weydiinnay waxa uu ka ogyahay ayaa noo sheegay in ninkaas muddo ka badan sanad la weysanaa. Wuxuuna sheegay in ay keenayaan Nairobi si baaris caafimaad loogu sameeyo.
Mar aan weydiinnay in ay jiraan wax xiriir ah oo ka dhexeeya xildhibaanka iyo ninka odayga ahaa maqnaashahooda, wuxuu sheegy in waxa kaliya ka dhexeeya ay tahay in ay hal degmo ka soo jeedaan.
“Sida ay ku maqnaayeen way isku ektahay, waa dad la afduubtay, cida afduubtay aan la aqoon, meelna lagu sheegin, wax dambi ah aysan jirin, odaygaas muddo ayuu maqnaa ka hor xildhibaanka, waxa kaliya oo ka dhexeeya waa Ceeldhaas ayey ka yimaadeen, aniga ma ogi wax kale”. Ayuu yiri.
