Muqdisho – Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka hor yimid qaraarkii xalay ka soo baxay golaha wasiirrada ee XFS, kaas oo lagu mamnuucay in lacag lagu qaaday magaca dowladda ay ku dhacdo Akoon aan aheyn khasnadda mideysan ee dowladda oo maamusho wasaaradda maaliyadda.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa maanta ka hadlay go’aankaas, isagoo sheegay in canshuurta ay qaadaan aysan quseyn tan dowladda dhexe oo maamulka gobolka ay u gaartahay.
Madaale ayaa ku dooday in maamulka gobolka Banaadir ay dadka reer Muqdisho ka rabaan adeegyo muhiim ah, taasi oo khasab ka dhigeysa inay gaar u qaadaan canshuurta.
“Dowladda Hoose ee Xamar, mar weliba canshuurteeda waa mid madax banaan maxaa yeelay wax-qabad ayaa laga rabaa” ayuu yiri Guddoomiye Madaale.
Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in la bixiyo canshuurta, maadaama aysan dowladdu waxa qaba karin hadii aysan muwaadiniintu noqon canshuur bixiyaal.
Golaha wasiirrada qararka ay soo saareen ayaa toos u mamnuucaya mashaariic uu ku jiri fayadhowrka caafimaadka oo hoos taga maamulka gobolka, sidoo kale qaraarkaan ayaa meelo badan ka saameynaya lacago badan oo soo geli jiray maamulka gobolka Banaadir.