Xisbiga mucaaradka Ucid oo kasoo horjeestay hadal ay soo saareen guddiga diiwaan galinta Ururada Siyaasadda ee Somaliland

Isniin: DECEMBER 26, 2022

Guddida Diwaan galinta ururrada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka ee Jamhuuriyadda Gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa sadexda xisbi qaran ee Kulmiye, Waddani iyo UCID ku war geliyay in manta oo ay tahay 26-ka Diisembar ku egtahay mudadii dhaqangalka liisimada xisbiyadaasi.

Hasa yeeshee waxaa go’aanka guddiga aashanka u daruuray xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

Guddoomiyaha xisbigaas Feysal Cali Waraabe ayaa iigu warramay khadka telefoonka, wuxuuna marka hore sheegay sida ay u arkaan warka ka soo baxay guddiga diwaan gelinta ururada.

Office Nairobi Kenya