Qiimaha iibka xoolaha xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee Kenya oo sare u kacay

Axad:NOVEMBER 20, 2022

Iibka xoolaha ee Xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee Waqooyi-Bari Kenya, ayaa sare u kacay, kadib roobab halkaa ka da’ay.

Qiimaha xoolaha ayaa markii hore hooseeyay, sababo la xiriira abaarta ku dhufatay gobolka, oo inta badan saameysay nolasha dadka.

Ganacsatada suuqyada lagu iibiyo xoolaha ee xerooyinka, ayaa hadda ka cabanaya sare u kacaan, oo ay ku tilmaamen mid aan waayahaan soo marin.

Office Nairoibi Kenya