MD kOONFUR gALBEED OO KU LAABATAY BAYDHABO AYAA KORMEERAY GAROONKA SHAATI GUDUUD

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada ayaa kormeerey Dhismaha ka socda Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Kormeerka Madaxweyne Laftagareen ee Garoonka Diyaaradaha ayaa kuso beegmaya xili maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.