Ciidamada Israel oo dilay wiil dhalinyaro ah oo reer Falastiin ah.

Sabti: OCTOBER 1, 2022

Ciidamada amaanka ee Israel ayaa dilay wiil dhalinyaro ah oo 18 sano jir ah oo reer Falastiin ah, waxayna ku dileen daanta Galbeed ee la haysto oo xuduud la leh Bariga Quddus.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Fayez Khaled Damdon uu u geeriyooday dhaawac culus oo soo gaaray kaddib markii askari ka tirsan ciidanka Israel uu xabad si toos ah kaga dhuftay qoorta

Dhacdadan ayaa imaaneysa laba maalmood kaddib dilkii canug 7 sano jir ah oo u dhashay Falastiin

Office Nairobi Kenya