wafti uu horkacayo taliyaha guud ee ciidanka Dowlad Deegaanka Soomaalida, General Mohamed oo gaaray Xudur.

Arbaco: august 3, 2022

Waxaa degmada Xudur ee Gobolka Bakool gaaray wafti uu horkacayo taliyaha guud ee ciidanka xooga gaarka ah ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, General Mohamed Ahmed Mohamud (Xaaji) iyo Saraakii Ciidan.

Socdaalka wefdigaan ayaa la xiriira Howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab oo maalmihii la soo dhaafay dhaqdhaqaaqyo ka waday deegaannada ku yaalla Xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale  waxay  kulamo la qaadan doonaan Saraakiisha Ciidanka Xoogga ee gobolka Bakool, mas’uuliyiinta gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Office Nairobi Kenya