Xukuumada iyo Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo maanta yeelanaya kulan.

Isniin: July 18, 2022

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi cabdi iyo hogaamiyayaasha mucaaradka Somaliland ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Hargeysa ee Soomaaliland, kadib markii shalay uu baaqday kulanka, maadaama hoggaanka siyaasada Soomaaliland ay shalay ka qeyb galeen aaska Shiikh Aadan Siiro.

Dhinacyadan ayaa markale ka shiraya Khilaafka Doorashada madaxtooyada iyo furista Ururrada siyaasiga ah.

Sidoo kale Masuuliyiinta ayaa la filayaa in ay xal ka gaaraan  khilaafka u dhaxeeya xukuumadda Somaliland iyo xubnaha mucaaradka  islamarkaana ay kasoo saari doonaan warsaxafadeed kulanka ay yeelanayaan.

Dhawaan ayeey aheyd markii ay yeesheen kulan xukuumadda Somaliland iyo hogaamiyayaasha mucaaradka kaasi oo xal hordhac ah ka gaaray khilaafkii ka dhashay doorashooyinka, oo ay xukuumaddu dooneysay in ay muddo kordhin sameeyso.

Office Nairobi Kenya