Warshad ku taalla Shiinaha oo batroolka sifeysa oo uu dab qabday

Sabti: June 18, 2022

 

Dab weyn ayaa ka kacay warshada sifeysa batroolka oo ku taalla magaalada Shanghai ee dalka Shiinaha, waxaana la arkayay qiiq iyo uuro madow oo cirka isku shareeray, taasoo keentay cabsi laga qabo waxyeello in dabkan uu u geysto xagga deegaanka.

Subaxnimadii hore ee saaka, qaraxyo ayaa laga maqlay meelo dhowr KM u jirta warshadda. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay dabkan.

Office Nairobi Kenya