Ukraine:halkan ka ogow magaalada sida gaarka ah uu u daneynayo Putin


Isniin: March 21, 2022

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Ukraine Iryna Vereshchuk ayaa sheegtay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu si gaar ah u doonayo in uu la wareego mgaaladda Mariupol – sababtoo ah waxa uu ku guul daraystay in uu magaaladan qabsado 2014-kii xiligaasi oo Ruushku gacanka Crimea xoog kaga qabsaday Ukraine.

Ugu yaraan 300,000 oo qof ayaa loo malaynayaa in ay weli ku xayiran yihiin gudaha magaalada go’doonsan ee Mariupol iyaga oo aan lahayn koronto, cunto iyo biyo welina ay duqeymo xooggan ku socdaan.

Office Nairobi Kenya