Maxamuud Casayr oo guddoomiye ku-xigeen loogu doortay Garoowe

Arbaco: March 16, 2022

Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland waxaa maanta lagu qabtay doorashada guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashada maamulkaas, kadib markii uu xilkaas iska casilay Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Guddiga  Aynaanshe Yusuf Hussein.

Xubnha guddiga oo maalihii ugu dambeeyay yeelanayay kulamo joogta ah, waxaa ay kulankoodii maanta ku doorteen Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, waxaana hab gacan taag ah ugu guuleystay xilka Guddoomiye ku-xigeenka Maxamuud Casayr Cabdulle Faarah.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu yiri “Guddiga Maamulka  Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Puntland oo kulamadoodii joogta ah yeeshay ayaa waxay Guddoomiye kuxigeen udoorteen Mohamoud Casayr Abdule Faarah kadib markii uu horey isaga casilay Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Guddiga  Aynaanshe Yusuf Hussein.”

Office Nairobi Kenya