Ukraine: “Waxaan u baahanay caawimaad si aan uga hortagno dagaalka saddexaad ee adduunka”


Isniin: March 14, 2022

Ukraine ayaa marar badan ka codsatay dalalka reer galbeedka inay ka caawiyaan dagaalka ka dhanka ah Ruushka – Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Dmytro Kuleba ayaa mar kale diray codsigaasi.

“Ukraine si wanaagsan ayay u dagaallameysaa, waxaan u baahanay in aad inaga caawisaan dagaalka ka dhan Ruushka, na siiya dhammaan hubka lagama maarmaanka ah”

Wasiirka arrimaha dibadda Ukraine ayaa yiri “Cunaqabateyn dheeraad ah kusoo roga Ruushka, si buuxdana u go’doomiya, Ukraine ka caawiya si ay fashilin laheyd Putin si looga hortaggo dagaal weyn”

Office Nairobi Kenya