Cali Yare Cali oo laga reebay Shirka Amniga ee Saraakiisha lala yeeshay


khamiis: February 17, 2022

 Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ka warbixiyey kulankii albaabada uxirnaa ee maanta yeesheen R/wasaare Rooble & Saraakiisha Laamaha Amniga.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidanka ee la kulmay iyadoo la cambaareeyey weerarkii Al Shabaab xalay kusoo qaadeen caasimada Muqdisho.

Waxa la isku afgartay in meel looga soo wada jeesto dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab xilli arimaha doorashada ay socdaan laga hortego in shacabka la qal qal geliyo.

Wasiir C/llaahi Maxamed Nuur oo shirka kadib saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ay qaateen saraakiisha kulanka ku sugneyd R/wasaare Rooble amarka uu bixiyey.

Office Nairobi Kenya