Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay casho sharaf uu Madaxweynaha Djibouti ku casuumay


khamiis: December 16, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa magaalada Djibouti uga qeyb galay casho sharaf uu Madaxweynaha Janhuuriyadda Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle u sameeyay ka qeyb galeyaashii Madasha sanadlaha ah ee Aragti Wadaagga Heritage oo maanta lagu soo gabagabeeyay Magaalada Djibouti.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay gaaray dalka Djibouti ayaa maanta soo xiray Madasha Sanadlaha ah ee Aragti Wadaagga Heritage.

Office Nairobi Kenya