Madaxweynaha Puntland oo Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland Gudoomiyay

khamiis: December 16, 2021

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland.

Kulanka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Warbixinta Gobollada Puntland iyo Doorashadda Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in  looga hadlay xaalada amaan ee magaalada Boosaaso oo ay wali isku hor fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo kuwa PSF

Office Nairobi Kenya