Maxaa Kala Socotaa Dhismaha Wadada Isku Xirta Muqdisho Iyo Afgooye ?

Muqdisho, 7da Maarso, 2021:Waddada isku xirto Muqdisho iyo Afgooyo ayaa gaartay Baar-ismaaciil, wararka ayaa sheegaya in 3km oo ah jidka dhex maro magaalada Afgooye ee aado gobolada la gaarsiin doono laammiga.

Waxey sidoo kale sheegatay shirkadda dhiseyso laammigaan in hal gacan mar kale la saarri doono laammigaan oo ka billaawday Ex-Control tagana degmada Afgooye.

Qorshaha xiga ayaa ah dhismaha laammiga dheer ee isku xiro Muqdisho iyo Balcad kaas oo isagana ka billaaban doono Ex-Control Balcad.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________