Guddoonka Golaha Shacabka oo culeys kala kumaya Matalaada Gobolka Banaadir

Mogadisho | QOL |  July 3, 2020-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Guddoonka Golaha Shacabka ay culeys weyn kala kulmeen in la meel mariyo Xeerka Matalaada Gobolka Banaadir ee Xubnaha laga siiyay aqalka Sare.

Waxaa uu sheegay in markii Baarlamaanka la horkeenay Xeerka la isku dayay in meesha laga saaro,isla markaana Dowlad Goboleedyada qaar ay dagaal adag la galeen guddoonka Baarlamaanka si aan sharciga loo meel marin,hayeeshee taasi aga gudbay.

Sidoo kale Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa u mahad celiyay Madaxweyne Farmaajo oo uu sheegay in uu dadaal ku bixiyay in Gobolka Banaadir uu matalaad ka helo Golaha Shacabka

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________