Wararka Wararka Puntland oo Ciidamo geysay deegaan lagu dagaalamay

Mogadisho | QOL | May 03 2020–Wararka laga helayo degaanka Teerage oo ku yaalla galbeedka magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Puntland halkaasi ay geysay Ciidamo farabadan,kadib markii ay ku dagaalameen maleeshiyaad kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa daraawiishta Puntland ayaa la sheegay in saaka ay halkaasi tageen,isla markaana badi ay isku fdiiyeen deegaanka teerage ee lagu dagaalamay.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamadaan oo wata gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ay fariisimo la sameysteen deegaankii lagu dagaalamay oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Puntland.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *