Ciidanka Dowladda oo howlgal ka wada Gobolka Mudug

Mogadisho | QOL | April 15 2020 –Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ee ka howlgalla deegaanada Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka wadaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Mudug.

 

Howlgalka oo uu hoggaaminayo Taliyaha Qaybta 21-aad janeraal C/Casiis C/laahi Cabdi (Qooje) ayaa waxaa ay ku tageen deegaannada Bacaadweyn iyo burta loo yaqaano sirgo , Ciidamada ayaa sidoo kale horay u gaaray deegaanka Camaaro oo dhamaantood dadka Ku nooli ay soo dhaweeyeen..

 

 

 

Taliyaha Qaybta 21-aad Janeraal C/Casiis C/laahi Cabdi (Qooje) ayaa sheegay in howlgalkaan uu yahay kii ugu ballaarnaa ee deegaanadaasi laga sameeyo mudooyinkaan.

 

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku darey in howlgalka uu sii socon doono ilaa ay ka xaqiijinayaan Amniga deegaannada Koonfureed ee Gobolka Mudug.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *