Erdogan oo casumaad u fidiyay Boris Johnson

Mogadisho | QOL | April 11, 2020 –Madaxweynaha Turkiga ayaa warqad u diray Boris Johnson, isagoo u rajeeyay ra’iisul wasaaraha Ingiriiska inuu si dhaqso leh uga soo kabto cudurka ‘coronavirus.

 

Waraaqdiisa, Recep Tayyip Erdogan wuxuu sidoo kale tacsi u diray qoysaska dhibanayaashii Britishka ee uu ku dhacay virus-ka, isagoo rajo ka muujiyay in Britain ay ka guuleysato musiibada

 

 

 

Erdogan wuxuu kaloo ku casuumay Johnson, oo awoowe u yahay awow Turki, inuu booqdo “dhulkii awowayaashiin si uu ugala hadlo  tallaabooyinka sii xoojin doona iskaashiga laba-geesoodka muddada ka dambeeysa Brexit.

 

Boris Johnson ayaa ka mid ah Madaxda caalamka ee sidda weyn uu sameeyay Cudurka Corona Virus, islamarkaana maalmihii lasoo dhaafay waxaa ku jiray isbitaal.

 

Xaaladisa ayaa hada mareysa meel Wanaagsan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *