Kulan looga hadlay Sharciga Doorashooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

Mogadisho  –-2020—Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Maanta Maagalada Muqdisho kula kulmay Guddiga ku meelgaaarka ah ee diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka. Kulanka labada Guddi ayaa diiradda lagu saaray ra’yi is dhaafsi ku aaddan Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee dhawaan ay ansixiyeen labada Gole ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa la wadaagay Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka Ra’yigooda ku aaddan nuqulkii u danbeeyay ee Sharciga Doorashooyinka ay dhawaan ansixiyeen Golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *