SAWIRO:-Taliyaha Ciidanka Booliska oo tababar u soo xiray Ciidamo

Muqdisho | QOL | December  04- 2019–Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed (S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar) ayaa Tababar usoo xirey Cutubyo Katirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Kuwaas oo Mudo Tababar ugu socdey Dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Tababarkaas oo ay Gacan ka Geysteen Ciidamada Karanbiyeeriga Dalka Taliyaaniga iyo Dowladda Jabuuti oo ka qeyb qaadaneysa tayenta Ciidanka Booliska Soomaaliya.

 

Taliyaha ayaa u mahad Celiyey Dowladda Taliyaaniga iyo cidkasta oo Gacan ka geysatay Tababarkarkaan in uu qabsoomo,isaga oo ciidamada tababarka qaatay kula dardaarmay inay Shacabka Soomaaliyeed si wanaagsan ugu adeegaan.

 

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *