Madaxweynaha Hirshabeelle oo Wasiiro xilalkiika qaaday iyo kuwo cusubna Magacaabay

Muqdisho | QOL | December  03- 2019–Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilalkii ka qaaday Wasiirka Amniga C/qaadir Aadan Jeelle iyo Wasiirka warfaafinta dowlada goboleedka Hirshabelle Cabdiweli Muxumad Cabdi.

 

Wasiirka Amniga ayaa loo magacaabay Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre halka Wasiirka warfaafinta Hirshabelle loo magacaabay Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed.

 

 

 

Waare ayaa sidoo kale Magacaabay Wasiiru  Dowlaha Hubka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka Abuukar Macalin Rashiid halka  Wasiiru dowlaha Qorsheynta Xiriirka caalamiga ah loo magacaabay Cabdirizaq Aadan Geeddi.

 

 

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *